TACSI : MARXUUM SIYAASI AADAN XUSEEN XAYLE OO KU GEERIYOODAY JIGJIGA

Waxaa maanta oo ah 31-03-2019 Magaalada Jigjiga ku geeriyooday Allah u naxariiste Marxuum Siyaasi AADAN XUSEEN XAYLE.Marxuum AADAN wuxuu ku dhashay Magaalada Qabridaharre abbaarihii 1940kii,halkaas oo uu ka bilaabay waxbarashada aasaasiga.Bilowgii 1954kii aabihii Suldaan Xuseen Xayle ayaa u soo haajiray Xamar muddo kaddibna Reerka Suldaanka ayaa soo gaaray Xamar.nasiib wanaag Marxuum Aadan wuxuu waxbarasho ka bilaabay kuna xerooday Collegio Nuova Somalia oo ahaa dugsi ay dowladda Talyaaniga gacanta ku haysay laguna diyaarinayey Raggii Soomaaliya hoggaankeeda qaban lahaa xoriyadda kaddib.Dugsiga Collegio Nuova Somalia waxaa sannadkii 1937 waxbarasho u yimid walaaladii Cabdixukun & Turki Xuseen Xayle iyo Rag farabadan oo ay ka mid ahaayeen Cali Yaasiin Cabdi Cumar,Cabdullaahi-askar Cabdi Cumar,Maxamed Hirmooge,Duulane Rafle,Cabdirashiid Cali Sharmaarke,Yaasiin Cusmaan Sharmaarke asaasihii xisbiga S.Y.L. Sannadkaas 1937 oo ku beegneyd xilligii uu Suldaan Xuseen Xayle ka soo noqday Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.Marxuum Aadan Xuseen wuxuu ka qalinjebiyey sannadkii 1965 Scuola Geometra di Mogadiscio ( dugsiga sare ee cabiradda),wuxuuna isla sannadkaasi shaqo ka bilaabay shirkad Mooska dhoofisa oo Talyaani ah lana oran jiray S.A.C.A. oo uu fadhigeeda ahaa Magaalada Marka wuxuuna noqday ku xigeenka madaxa Farsamada,dhismaha & qiimeynta. wuxuu Marxuumka bilowgii 1970 deeq waxbarasho culuumta siyaasadda ugu kicitimay Ruushka,kaddibna Jarmalka.waxbarashadiisa Jaamacadeed kaddib wuxuu ka soo shaqeeyey gobolada Dalka : Banaadir,Jubbada Hoose,Hiiraan;kaddibna wuxuu ku biiray Golaha Shacabka Qaranka wuxuuna noqday ku xigeenka Wasiirka Shaqada & Sportiga.Burburkii Qaranka kaddib wuxuu ku noolaa Jubbaland & Kenya Siyaasaddana wuu ka nastay wuxuuna ahaa Oday Ruug-caddaa siyaasi ah oo ku taliya tubta toosan.waxaa Marxuumka bilihii ugu dambeeyey la soo dersey xanuun wuxuuna in muddo ah lagu dabiibayey Muqdisho,kaddibna wuxuu go´aansaday inuu caafimad iyo daaweyn u doonto Ethiopia.wuxuu soo gaaray Hargeysa toddobaadkii aynu soo dhaafnay waxaana Ambulance ku soo qaaday ilaa iyo Wajaale Suldaan Maxamed Cabdulqaadir Suldaan Cabdullaahi.Allah u naxariisto Adeer AADAN XUSEEN XAYLE ayaa maanta ku geeriyooday Jigjiga waxaana lagu aasay Magaaladii uu ku dhashay ee Qabridaharre gaar ahaan Quburaha caanka ee Xabaal waayeel oo ay ku aasanyihiin Awoowyadii.

Waxaana halkan tacsi ka diraya dhammaan Ehelka kala ah:

Cabdi Maxamad Tarrax

Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys

Col. Zubeer Cabdilkariim Boorle
Col. Nuux Maxamad Axmed Isaakh
Sadiiq Xasan Cali Buraale

Xildhiban Bashiir Axmed Cawar
Maxamad Xasan Geelle
Xuseen Beynax Barre
Xuseen Xasan Geelle
Eng.Shariif C/naasir Shariif Maxamad Shariif Muhdi
Cabdicasiis Xaaji Cabdullaahi Qorraxeey
Yuusuf-mahad Maxamad Aadan
Xasan Xaaji Barre
Bashiir Suldaan Maxamuud Heybe
Dr.Asad Suldaan Maxamuud Heybe
Yuusuf Suldaan Maxamuud Heybe
Muxumad Suldaan Maxamuud Heybe

Maxamad Cabdi Adar-Gows
Maxamad Cabdi Xasan

Eng.Maxamuud Beynax Barre

Dr.Cabdirisaaq Macallim Cabdullaahi

Cabdi Gaani Yuusuf
Shugri Cumar Gaboose
Dr. Cabdilxakiim Golongol Deyl

Cabdiraxmaan Muxumad Aardoon

Muqtaar Bashiir
Cabdirisaaq Ceymad
Maxamad Xuseen Adar
Xasan Sheekh Axmed Nuur
Cali Maxamad Hirmooge
Bishaar Yuusuf Gamaadiid
Axmed Cabdullaahi Geney
Axmed Xaaji Maxamad Nuur
Cabdi Maxamad Kaahin
Deeq Kediye
Yuusuf  Barqadle
Muxsin Xaaji Cabdi Qorraxeey
Xuseen Cabdullaahi
Maxamad Yuusuf Barkhadle
Axmed Maxamad Cilmi

Feysal Maxamad Siraad

Axmed Xasan Kaahin

Xuseen Cusmaan jirac

Maxamed Cabullaahi Qoordheere

Aadan Sheekh Cabdi Cumar

اللهم اغفر له وارحمه ، وعافه واعف عنه ، لقِّه الأمن والبشرى والكرامة والزلفى ، اللهم إن كان محسناً فزد في حسناته ، وإن كان مسيئاً فتجاوز عن إساءته ، اللهم اغسله بالماء والثلج والبرد ، نقه من الخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس ، أبدله أهلاً خيراً من أهله ، وداراً خيراً من داره ، وجيراناً خيراً من جيرانه ، اللهم لا تحرمنا أجره ، ولا تفتنا بعده ، واغفر لنا وله

WAXAANU MARXUUMKA ILLAAH UGA BARYEYNAA INUU NAXARIISTIISA JANNATUL FARDOWSA KA WARAABIYO,EHELADDII IYO QARAABADII UU KA TAGAYNA SAMIR IYO IIMAAN ALLAH KA SIIYO. 

AAMIIN———-AAMIIN——–AAMIIN