Wasiir Beyle oo lunsaday 1 Malyan oo Dollar iyo Cadeymo muujinaya (Warbixin)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/rixmaan Ducaale Beyle, ayaa lunsaday lacag gaareysa Hal Milyan oo dollar, taas oo qorshuhu ahaa inay ku dhacdo Khasnada Dowladda, sida ay muujinayaan cadeymo ay heshay Warbaahintu.

Lacagtan uu lunsaday Wasiir Beyle, ayaa u badan lacag gaareysa $987,500, taas oo Dowladda Mareykanku ugu deeqday Soomaaliya, looguna tala-galay Dhismaha Hay’adaha Dowliga ah.

Lacagtan oo la soo marsiiyay Hay’ad lagu Magacaabi IDLO, qeybteeda Soomaaliya ayaa waxaa heshiis hoose ku gaaray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Beyle iyo Maamulaha Hay’adda oo lagu Magacaabo Siciid Shire, kuwaas wada-lunsaday.

Dhanka kale, Wasiirka maaliyadda ayaa sanadkii tagey ee 2018 waxaa uu warqado lacag looga Dalbanayo u direy 10 Xawaaladood iyo Laba Bangi, kuwaas oo lagu amrey in si degdeg ah lacagahaas u bixiyaan.

July-11-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda TAWAKAL waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $44,000,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da- August-2018.

July-11-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda Global waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $26,400,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November-2017 illaa 1-da August-2018.

July-11-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda KAAH waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $44,000,00 oo laga soo bilaabayo 1-da -November -2017 illaa 1-da August-2018.

July-10-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda DAHABSHIIL waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $176,000,00 oo laga soo bilaabayo 1-da-November-2017 illaa 1-da August-2018.

July-10-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda AMAL waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $132,000,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da August-2018.

July-10-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda IFTIN waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $26,400,00 oo laga soo bilaabayo 1-da Noverber 2017 illaa 1-da August-2018.

July-10-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda BAKAAL waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $26,400,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da August-2018.

July-11-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda JUBBA/ Premier Bank waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $88,000,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da August-2018.

July-10-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda AMAANA waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $26,400,00 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da August-2018.

July-11-2018 warqad uu ku saxiixan yahay wasiirka maaliyadda (Beyle) ayaa loo direy xawaladda Salaam Bank/Taaj waxaana warqadaas lagu dlabadey in ay bixiyaan $176,000 oo laga soo bilaabayo 1-da November 2017 illaa 1-da August-2018.

Cadeymo la helay ayaa muujinaya in dhamaan lacagaha laga qaaday Xawaaladahan iyo Bankiyada in aysan ku dhicin khasnada Dowladda, balse ay ku dhaceen Akoonada gaarka ah ee wasiirka Maaliyadda oo dano-gaar ah ku fushaday.

Lunsashada lacagtan ayaa la sheegay inay wax ka og-yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre, kuwaas oo si saami ah ukala goostay dhaqaalahan, sida ay sheegeen shaqaale ku dhow Wasiirka, waxaana isa soo taraya fashilada iyo Musuq-maasuqa baahsan eek a jira Xukuumadda Federaalka.

IDIL NEWS