Wasiir Cawad oo amray in dalka laga Masaafuriyo C/llaahi Dool (Akhriso)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa amray in dalka laga Masaafuriyo C/llaahi Axmed Dool, oo ahaa Agaasimihii Xafiiskiisa, kaas oo shaqada uu ka ceyriyay kaddib markii uu qoraal uu soo geliyay bartiisa Twitter-ka ku taageeray xiriir Soomaaliya la yeelato Israa’iil.

Wasiir Cawad ayaa amray Socdaalka iyo Hay’adda Jinsiyadda Soomaaliya in dalka sida ugu dhaqsiyaha badan ay uga masaafiriso C/llaahi Dool, isagoona sheegay intaas hadii aysan dhicin ay culeys kala kulmayaan Wadamada Carabta, maadama Dool uu taageeray in Soomaaliya iyo Israel ay xiriir Siyaasadeed iyo mid ganacsi yeeshaan.

Akhriso Waraaqda Masaafurinta ah ee uu soo saaray Wasiir Cawad.

IDIL NEWS