Wasiir Xaamud “gacanta ayaan ku heynaan kuwii ka dambeeyay Kiiskii Caa’isho Ilyaas” (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud, ayaa beeniyay warar lagu baahiyay baraha Bulshada, kuwaas oo sheegayay in la marin habaabiyay Kiiska falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee loo geystay Caa’isha Ilyaas Aadan, lana sii daayay ragii ka dambeeyay.

Wasiir Xaamud oo maanta ka hadlayay Shirka Xakamaynta kisaska kufsiga ee loo gaysto Haweenka, oo ka furmay Garoowe, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan Ragii ka dambeeyay kufsigii iyo dilkii Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Caa’isho Ilyaas, ayna Cadaalada horkeeni doonaan.

Waxaa uu sheegay inay yihiin been abuur wararka lagu baahiyay Baraha Bulshada ee sheegaya in la sii dayay ragii ka dambeeyay Kiiskan, waxaana uu sheegay inay dhowaan soo bandhigi doonaan ragan ayna marsiin doonaan Sharciga.

Daawo.

IDIL NEWS