Booyad lagu diyaariyay Qaraxyo oo lagu qabtay Sh/hoose

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wararka naga soo gaaraya degaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellaha Hoose, oo ay shalay la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegaya inay Ciidanku qabteen gaari booyad ah oo lagu diyaarinayay qaraxyo.

Gaariga booyada ahaa ayaa qiimeyn la sameeyay lagu ogaaday inuu noqon lahaa qaraxii ugu weynaa ee Al-Shabaab diyaariso, Iyadoona wararku qirayaan in bartilmaameedka Qaraxani ahaa Magaalada Muqdisho oo muddooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen qaraxyo ay ka geysato Kooxda Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada dowladda oo ku aadan warkan sheegaya in gaari booyad qarax lagu diyaarinayay la qabtay.

Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan Guutada sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa shalay la wareegay degaanka Sabiib iyo tuulooyin ku dhow dhow oo Al-Shabaab maamulayeen, waxaana deegaankaas ka socday howlgallo baaritaano ah.

IDIL NEWS