Ceergaabo: Beelo ka wada-hadlaya xiisada dagaal ee Degmada Yubbe

CEERGAABO (IDIL NEWS)-Wafdi Waxgarad ah oo ka kooban Cuqaal, Nabadoono iyo Guurti oo ka kicintimay Degmada Badhan ee Gobalka Sanaag, ayaa gaaray Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolkaas.

Waftigan Isimada ayaa ah guddi laga soo xulay Shir muddo todobaad ah uga socday hogaanka dhaqanka ee beesha Warsangeli magaalada Badhan, kaas oo looga arinsanayey xiisada dagaal ee ka taagan Degmada Yubbe ee Gobalka Sanaag,

Xiisadan Dagaal ayaa u dhexeysa Ciidanka Dowladda Puntland iyo kuwa Maamulka Somaliland oo soo weeraray Degmada Yubbe Todobaadyo kahor, Iyadoona u jeedada waftigam tagay Ceergaabo ay tahay;

1. Sidii ay wada tashi ula sameyn lahayeen waxgaradka beesha ee degan Magaalada Ceergaabo.

2. Sidii Ciidanka maamulka Soomaaliland keenay deeganka Yube – ee ay ka dhalatay aXiisada dagaal- loogala hadli lahaa Maamulka Gobolka iyo Ciddii kale ee ay khuseyso.

IDIL NEWS