Madaxweyne Deni oo ka xog-qaatay Dhalinyarada Boosaaso(Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee dhalinyarada gobolka Bari, gaar ahaan kuwa Boosaaso.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay dhalinyarada ayaa waxaa qayb ka ahaa maamulka Gobolka Bari kan Degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Dowladda Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada Boosaaso iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Waxaa noo qabsoomay shir uu Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni la yeeshay dhammaan Hal-doorka dhallinyarada, aqoonyahaniinta iyo qaybaha kale ee dhallinyarta, shirkaasi waxaa looga wadahadlay xaaladda amniga magaalada Boosaaso, sidii laysaga kaashan lahaa xagga horumarka iyo hiigsiga dowladda”

“Shirkaasi wuxuu Madaxweynuhu ku faahfaahiyey qorshaha Xukuumadda hiigsanayso, Sidoo kale dhallinyradu waxay soo jeediyeen aragtida ay qabaan, waxyaabaha ay kusoo biirinayaan dowladda oo talo iyo tusaale ah, shirkaasi wuxuu kusoo dhammaaday jewi degan oo quruxbadan” Ayuu yiri Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam

Daawo.

IDIL NEWS