Muqdisho: Xiisad ka dhex-taagan Sanetor Muuse Yalaxow iyo Dowladda

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xiisad u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow, ayaa ka taagan Magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan warar laga helayo Muqdisho.

Wararka ka imaanaya Degmada Kaaraan ayaa sheegaya in Xiisadan ay ka dhalatay Dhul ay heysato Senator Muuse Yalaxow, Iyadoona ay ishor-fadhiyaan Ciidanka Dowladda iyo Ciidan ku beel ah Senator-ka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ay ku jiraan odayaal dhaqan ayaa la sheegay in arintaan ay ku guda jiraan xalinteeda balse ilaa hada aysan natiijo ka soo bixin.

Nabadoon Cabdiqaadir Maxamuud Maxamed oo katirsan odayaal dhaqan oo Senator Muuse Suudi kala hadlay xiisada taagan, warbaahinta Muqdisho u sheegay in Ciidamo dheeraad ah uu keensaday Senatorka, lagana cabsi qabo in dagaal uu ka dhaco degmada Kaaraan ee Gobalka Banaadir.

Dowladda Federaalka ayuu Nabadoonku ugu baaqay in aysan ku deg deign Weerar ay ku qaado Guriga Senator Muuse Yalaxow, isagoona sidoo kale ka dalbaday Senator-ka in uu joojiyo Dhaq-dhaqaaqa Ciidamada.

Wixii Kasoo Kordha Kala Soco Idil News.

IDIL NEWS