Sacuudiga oo daldalay haweeney Nigerian ah & dad kale

RIYADH (IDIL NEWS)-Haweenyda ay Sacuudiga daldaleyn oo u dhalatay dalka Nigeria ayaa lagu eedeeyey inay daroogo ka Ganacsaneysay, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee AFP.

Haweenaydan ayaa lala daldalay labo nin oo reer Pakistan ah iyo nin kale oo Yaman u dhashay,waxaana xukunka daldalaada ah uu Maalintii Isniinta aheyd ee la soo dhaafay uu ka dhacay Magalada Maka ee dalka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa sannadkan xukun dil ah ku fuliyay dad kor u dhaafaya 53 ruux, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Xukuumadda Sacuudi Carabiya ayaa ka dhago adaygtay caddaadiska ay saareen kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda, iyaga oo ka dalbanayay in ay meesha ka saarto xukunka dilka ah, Sacuudiga ayaana sheegay in dilku uu dambiyada yareeyo.

IDIL NEWS