Wasiir Maaliyadda Puntland oo gaaray Magaalada Boosaaso (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Boosaaso

Safarkan Wasiirka Maaliyaddu ku gaaray Magaalada Boosaaso waxaa ku weheliyay Wasiirku Xigeenka Dakhliga, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, Agaasimaha Guuud, Agaasime guud ku xigeenka Dakhliga, iyo Agaasimaha waxada Furdooyonka

Xasan Shire Cabdi ayaa safarkan dhinaca dhulka ah saaka kaga amba baxay Magaalada Qardho waxaana Magaalada Boosaaso ku soodhoweeyay Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee Golbolka Barri.

imaanshaha Wasiirka Maaliyadda ee Maagaalada Boosaaso ayaa qayb ka ah ogaanshaha shaqada iyo shaqaalaha iyo sidii dakhliga kor loogu qaadi lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi ayaa u mahad celiyay madaxda dii kala duwanayd ee Boosaao kusoo dhowaysay.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland inta uu Boosaaso ku sugan yahay ayaa lafilayaa in uu kormeeridoono xarumaha waxa soo saarka dakhliga kulana laqaadan doono shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS