Algeria: Wararkii ugu dambeeyay ee Madaxweyne Bouteflika oo is-casilay iyo dabaal-degyo socda (Daawo)

ALGIERS (IDIL NEWS)-Dowladda Algeria ayaa xaqiijisay in Madaxweynihii dalkaas Abdelaziz Bouteflika uu is casilay kadib todobaadyo ay dibadbaxyo ballaarani dalkaas ka socdeen.

Wakaaladda dowladda ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu iscasilay Shacabka uu ugu baaqay in ay muujiyaan tanaasul oo ay taageeraan Isbedalka cusub ee ay doonayaan.

Mr Bouteflika, oo talada dalkaas hayey 20 sanadood, ayaa mar horeba meesha ka saaray qorshe uu doonayey in uu mar shanaad isu soo taago madaxtinimada dalkaas, waxaana is-casilaadiisii kaddib Magaalooyinkaas ka bilowday Dabaal-degyo lagu soo dhaweynayo is casilaadiisa.

Ciidanka awoodda badan ee dalkaas ayaa sheegay in madaxweynahaas 82 jirka ah aanu awoodin in uu guto waajibaadkiisa.

Hoggaamiyahan xanuunsan ayaa waxaa haleelay xanuunka faaligga lix sano kahor, waxaana aad u yarayd in lagu arko fagaareyaasha.

Dibadbaxayaasha ayaa sidoo kale ku baaqaya in gabi ahaanba la baddalo nidaamka siyaasadeed ee dalkaas ka jira, kaas oo ciidamadu ay kaalin wayn ku leeyihiin.

Dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa u badan dhalinyaro waxayna doonayaan nidaam xukuumadeed oo cusub.

Daawo.

IDIL NEWS