Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo, kana hadlay kulamadii Muqdisho (Daawo)

KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa galabta dib ugu laabtay Caasimada KMG ah ee Jubbaland kadib dhowr maalmood oo howlo shaqo uu u joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo Masuuliyiinta Labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu Muqdisho u tagay howlo la xiriira sidii loo dhamayn lahaa Khilaafka iyo mad madowga jiray isla markana booqashadiisu ay jawaab u ahayd Safarkii uu dhawaan Ra”iisul Wasaarahu ku yimid Kismaayo isla markana wada hadalo dheer oo la galay si fiican ay kusoo dhamaadeen waxaa uu intaas raaciyay Madaxweynahu in booqashadiisu ay ahayd mid Tariikhi ah oo loo baahna dhamaan kulamadii dhacyna ay guul kusoo dhamaadeen.

Waxaa uu intaas ku daray in dhinacyada ay saaran tahay masuuliyad ah sidii wixii lagu balamay loo dhaqan galin lahaa wakhti dalku xaalad adag uu ku jiro oo dagaalka argagixisadu uu dabo dheeraaday dadkuna xaalad adag ku sugan yihiin isla markana laga shaqeeyo danta shacabka iyo hormarka dalka.

Daawo.

IDIL NEWS