Boosaaso: Puntland oo la wareegtay Gaariga lagu qabtay Khamri (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Maxkamadda Darajada Kowaad ee Gobalka Bari, ayaa xukun ku riday Labo nin oo lagu qabtay iyagoo Khamri gelinaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Raga xukunka ay lagu riday oo kala ahaa Geedi Cali Ciye iyo Cabdisalaam Xasan Jaamac, ayaa Maxkamaddu ku xukuntay min 3 sanno ee xariga ah iyo Kun Dollar oo ganaax ah.

Sidoo kale, Maxkamadda ayaa go,aamisay in Dowladda Puntland ay la wareegto Gaariga oo khamrida looga keenay dalka Itoobiya, waxaana daqiiqado kaddib xukunka la burburiyay Khamridii ragani ay wateen oo dhameyd 371 Dhalo.

Daawo.

IDIL NEWS