Dowladda oo shaacisay in Gaari Qaraxyo sida uu ku jiro Muqdisho (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliye Ku-xigeenka Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed, ayaa sheegtay in Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ay xaqiijiyeen Gawaari Qaraxyo sidda in ay ku jiraan Gudaha Magaalada Muqdisho.

S/Guuto Zakiya Xuseen ayaa sheegay in gaari Barado ah oo sidda waxyaabaha Qarxa uu ku jiro Magaalada Muqdisho, ayna ku dabajiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Taliyaha ayaa xustay in ay kusoo wargaliyaan Shacabka hadii ay arkaan gaari Barado ah oo ay ka shakiyaan, Iyadoona sidoo kale soo bandgigtay Sawirada gaari nooca uu yahay.

Daawo.

IDIL NEWS