Jigjiga: Magaca Iyo Calanka Xisbiga DDS oo la bedelay (Daawo)

JIGJIGA (IDIL NEWS)-Xisbiga talada haya ee Gobolka Soomaalida ee hoostaga dowladda Federaalka Itoobiya oo shir uga socda magaalada Jigjiga ayaa isku raacay in la bedelo magaca iyo Calanka Xisbiga.

Xubnaha Xisbiga oo shirkooda la soo gabagabeyn doono maanta oo Arbaco ah ayaa ansixiyay in la bedelo calanka iyo magaca Xisbiga, waxaana magacii Xisbiga ee ahaa Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya lagu bedelay Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida (SDP).

Sidoo kale waxaa la bedelay Astaanta calanka Xisbiga oo markii hore ku dhex jiray Calanka dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana astaanta lagu soo koobay Xidig qeybta sare kaga taal Calan Buluug ah oo dhexda kaga jiro Geel.

Tan iyo markii is bedelada ka dhaceen Gobolka Soomaalida degto ee hoostaga Itoobiya ayaa waxaa isa soo tarayay tallaabooyin wax looga bedelayo hab dhaqankii maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Cabdi Maxamuud Cumar.

IDIL NEWS

IDIL NEWS