Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka oo furmay

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Waxaa goor dhow si rasmi ah u furmay kulanka 2-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo looga hadlayo Ajandayaal dhowr ah ayaa waxaana xaadiray 156 xildhibaan, Iyadoona uu shir guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka ayaa warbixin looga dhagaysan doonaa Guddiga dib u eegista Dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya.