Maxay yihiin Caqabadaha hor-taagan Dhameystirka Dastuurka Soomaliya ? (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Gudoomiyaha Guddiga dastuurka labadda aqal ee baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeyb-diid ayaa faahfaahin ka bixiyay Caqabaddaha hortaagan in si deg deg ah loo dhameystiro Dastuurka dalka.

Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Guddiga ay soo wajaheen Caqabado badan oo ay qeyb ka yihiin Khilaafka dowladda dhexe iyo Dowlad goboleedyadda iyo Khilaafka labadda aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in Caqabadaha ugu waa weyn ee Horyaalla Dastuurka marka la dhameystiro inay kamid tahay Maqnaanshaha Dadka Reer Somaliland, maadama loo baahan yahay in Afti dadweyne loo qaado Dastuurka, taasna aysan dhaceyn in inta dadka reer Somaliland Maqan yihiin.

Qeybdiid ayaa sheegay in inta badan Cutub la diyaariyay, islamarkaana hadda ay hartay kaliyah 5 Cutub oo dhawaan ay soo dhameystiri doonaan, balse aysan heysanin dhaqaallo ku filan oo ay ku dardargelin karaan howlaha loo idmaday.

Daawo.

IDIL NEWS