Muqdisho: Itoobiya oo lagu wareejinayo Xeradii Ciidanka Badda Soomaaliya (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Iyadoo Xiisad u dhexeysaCiidamada dowladda iyo Ciidamo taabacsan Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliya ee Miriino, ayaa waxaa isa soo taraya Wararka sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu siiyay Dhulka xeradaas Dowladda Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u balanqaaday Ra’iisulwasaaraha Itoobiya inuu ku wareejin doono Dhulka Xeradii Ciidamada Badda Soomaaliya, kaas oo kaabiga u saran Xeebta, sida uu sheegay Danjire Maxamed Caalim.

Danjire Caalim ayaa sheegay in kulan dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, uu u balanqaaday Mr. Abiy in uu ku wareejin doono Xerada Ciidanka Badda Soomaaliya, si ay Dowladda Itoobiya uga sameysato Safaarad iyo Saldhig Ciidan.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu heshiis kula galay Itoobiya in uu siiyo Saldhig Ciidan, taas bedelkeedna ay ka taageerto Tababarada Ciidamada iyo la dagaalanka Argagixisada.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bishii hore soo saaray amar ku saabsan in laga guuro Xero Mariino oo ay aheyd Xeradii Ciidamad Badda, waxaana dhulkaas dhistay Saraakiil ciidan, Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano.

Ra’iisulwasaaraha Dowladda Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dhowaan shaaciyay inay dardar-geliyeen Dib u dhiska Ciidankii Badda Itoobiya, taas oo hadal heyn badan ka abuurtay Caalamka, gaar ahaan Gobalka Geeska Africa, iyadoona ay jireen Warar ay baahisay Warbaahinta Caalamka oo sheegayay in mid kamid ah Wadamada Dariska la ah Itoobiya uu u balanqaaday Saldhig.

Daawo.

IDIL NEWS