Ra’iisulwasaare Kheyre oo kulan casho ah u sameeyay Axmed Madoobe (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland  Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo oo todobaadkan howlo shaqo u joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ayaa xalay ka qayb galay casho sharaf uu Ra’isul wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre u sameeyey Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland.

Cashada waxaa wehliyey kormeer ay Madaxdu kusoo indha indheeyeen qaybaha kala duwan ee Xafiska Ra;iisul wasaaraha oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Wasiiru-dowladaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Jaamac Gaani ayaa sharaxay casho sharafta loo sameeyey Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland iyo kormeerka, waxaana uu sheegay in ay ka  qeyb ka tahay booqashadda uu Muqdisho ku jooggo Madaxweynaha Jubbaland.

Daawo.

IDIL NEWS