Wasiirka Cadaalada Puntland oo baaq u diray Ciidanka Asluubta DF iyo D/gobaleedyada (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Dowladda Puntland, ayaa baaq u diray Ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, kuwaas oo gacanta ku haya Xabsiyadda dalka.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in ciidanka asluubtu uu yahay ubucda dhaqanka suuban ee Shacabka Soomaaliyeed, maadama ay yihiin kuwo gacanta ku haya Maxaabiista ku eedeeysan dambiyada kala duwan.

Waxaa uu xusay in loo baahan yahay in qofka Maxbuuska ah loola dhaqmo si wanaagsan, lana ilaaliyo xuquuqaha uu lee yahay oo ay kamid yihiin Cunadooda, Jiifkooda, Waxbarashadooda iyo Daruuraadka kale ee aas aaska u ah Nolasha aadamaha.

Wasiirka Cadaalada Puntland ayaa baaqan ka jeediyay xilli uu shalay tababar uga furaya Magaalada Garoowe 30 Sarkaal oo katirsan Ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada.

Daawo.

IDIL NEWS