Xildhibaan Xuseen Carab “Annagu Xamar umaana soo doonan Shaqo ee reer Somaliland baan matalnaa” (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaan Xuseen Carab Ciise, oo katirsan Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in meel xun uu marayo wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland kadib markii ay ka gaabisay Dowladda Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Xuseen Carab oo ka hadlay Kulanka Golaha Shacabka ee ka socda Xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho, ayaa ku hanjabay in ay dib ugu laaban doonaan Gobalada ay matalaan ee Waqooyi (Soomaaliland).

“Meel Xun ayuu marayaa wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland waxaana loo baahan yahay in xalkeeda la helo ama annaga waxaan ku laaban doonaa Soomaaliland” ayuu ka hor sheegay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga difaaca ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Xildhibaanada Soomaaliland ku matala Soomaaliya aysan halkaan u soo doonin shaqo balse ay u yimaadeen midaynta labada Gobal hadii aysan wax dadaal ah ka socon dhanka Koonfurtana ay dib ugu laabanayaan Hargeysa iyo dhulka Soomaalialnd.

“halkaan uma imaanin shaqo, waxaan u nimid in la isu keeno labada Gobal hadii uusan jirin dadaalkaasna dib ayaa ugu laaban doonaa degaanadii aan ka nimid” ayuu yiri Xildhibaan Xuseen Carab Ciise.

Daawo.

IDIL NEWS