Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta u balansan kulankoodii 1-aad iyo cabsi laga qabo

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta yeelanaya kulankoodii ugu horeeyay ee kalafadhiga 5-aad, kaddib markii ay u baaqdeen Kooram la,aan kulamadii Golaha ee loo balamay maalmihii lasoo dhaafay.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa lagu sheegay Hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo warbixin laga dhageysanayo Guddiga dib-u-eegista Dastuurka, kaas oo uu uu muran badan ka taagan yahay.

Khudbad jeedintaan ayaa timid ka dib markii inta badan aysan soo xaadirin kulankii Xildhibaanadda ee maalmihii ugu dambeeyay, waxaana jirta cabsi ku aadan in uu muran iyo Buuq dartii u furmi waayo kulanka loo balansan yahay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa isku khilaafsan Ajandaha la xariira warbixinta laga dhageysanayo Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka, waxaana ay ku doodayaan inay muhiim tahay in laga hadlo xaalada amni ee dalka iyo Qaraxyada sii kordhaya eek a dhacaya Muqdisho.

Sidoo kale. Waxaa uu muran badan ka taagan yahay Awoodda baarlamaanka Soomaaliya uu u leeyahay la xisaabtanka Xukuumadda, Iyadoona ay xusid mudan tahay in 74% xubnaha xukuumaddu ay yihiin Xildhibaano Wasiiro laga dhigay.

IDIL NEWS