Boosaaso: Golaha Wasiirada Puntland oo amaro soo saaray (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shir gudoomiyey shirka golaha Xukumadda Puntland oo maanta markii ugu horaysay ka qabsoomay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Xaalada ammaan ee dalka iyo Socdaaladii Madaxweyne Deni uu ku maray Degaano kamid ah Gobalka Nugaal, Karkaar iyo Bari, kuwaas oo uu kulamo kula qaatay Maamulada, Waxgaradka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Cawil Shiikh Xaamud ayaa ka warbixyey waxyaabihii looga hadlay maanta iyo amarro laga soo saaray shirka.

Daawo.

IDIL NEWS