Dowladda Soomaaliya oo dacwad u gudbisay Kenya

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in dowladaha Kenya kala hadashay duqeymaha ay had iyo jeer ku burburiso Xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta ku leeyihiin gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Kenya u gudbiyeen in ay burburiyeen 11 Xarumood oo Shirkadda Hormuud leedahay iyo laba ay leeyihiin Shirkadda Somtel iyo Xawaalada Amal.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa intaas ku daray in Kenya uu ka dalbaday in xal loo helo arrinta soo laab laabatay ee ah dhibaatada ay Ciidamada Kenya ku hayaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolada Gedo iyo jubbada Hoose ayaa tira ka dhowr jeer  waxaa ay burburin u geysteen Xarumo ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta hormuud,waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu dhawaan Guddiga Isgaarsiinta ee golaha uu ka dalbaday inay warbixin ka keenaan.

IDIL NEWS