Puntland oo dalkooda dib ugu celisay Muhaajiriin Itoobiyaan ah (Sawirro)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Dowladda Puntland ayaa maanta dib Dalkooodi ugu celisay Muhaajiriin u dhashay Dalka Itoobiya, kuwaas oo Qaxooti ku joogay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland.

Muhaajiriintan oo gaarayay 43, Isuguna jiray Rag, Dumar iyo Carruur, ayaa diyaarada Jabuuti Airline ay ka qaaday Garooonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Magaalada Boosaaso, Iyagoona laga dajinayay Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wasarada Arimaha Gudaha Dowladda Puntland oo kaashanaysa Hay”adda Muhaajiriinta Calamiga Ah Ee Aduunka IOM, ayaa dadkaan ku sagootisay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Boosaaso.

Muhaajiriintan Itoobiyaanka ah ee maanta laga duuliyay Magaalada Boosaaso, ayaa qeyb ka ah dadaal Dowladda Puntland ugu jirto inay degaanadeeda uga celiso Muhaajiriinta Itoobiyaanka ah oo sanadihii ugu dambeeyay kusoo qulqulayay.

Sawirro.

IDIL NEWS