Qarax xoog leh oo goor dhawayd ka dhacay Muqdisho

Qarax qasaare geystay ayaa caawa fiidkii ka dhacay agagaarka dugsiga tababarada ciidamada booliska ee Jeneral Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac,ayaa lagu waramayaa in uu qaraxani sababay, waxaana gadiidka gurmadka deg deg ah ay goobta ka qaadeen dad qaba dhaawacyo kala duwan.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa ah Wadada ku beegan Al-baabka dugsiga Jeneraal Kaahiye.

Wali si rasmi ah uma kala cada in Gaariga uu ahaa Mid socday ama Mid lasoo dhigay Iridda dugsiga.

Goobtaan ayaa ah meel si weyn loo adkeeyo Ammaankeeda, waxaana inta badan mara Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.

Qaraxan,ayaa dhacay,iaydoo Taliska Booliska uu shaaciyay xog sheegasha in uu magaalada ku jiro gaari walxaha qarxa uu ka buuxo.