Ra’iisulwasaare Abiy oo ugu baaqay Soomaalida inay noqdaan Calaamada Itoobiya (Daawo)

JIGJIGA (IDIL NEWS)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa baaq u diray Shacabka Dowlad Degaanka Soomaalida, Isagoona ka dalbaday inay ilaaliyaan Qoomiyadaha kale ee kunool Degaankooda.

Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu dadaal ku bixiyay in ay helaan Shacabka Degaanka Xornimo, meeshana laga saaro Madaxweynihii hore ee Dowlad Degaanka Cabdi Maxamuud Cumar.

Waxaa uu sheegay intaas lagu guuleystay, maanta uu ka hirgalay Dowlad Degaanka Is-bedel dhab ah, isagoona taas bedelkeeda sheegay in looga baahan yahay Shacabka inay tixgelin siiyaan Qoomiyadaha kale ee la nool, ayna ka ilaaliyaan inay barakiciyaan.

Mr. Abiy ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in Shacabka Dowlad Degaanku ay noqdaan Boolis ilaaliya Qoomiyadaha kale ee la nool, si ay u noqdaan Calaamada Itoobiya ee lagu faano.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayaa baaqan ka jeediyay xilli uu shalay ka qeyb-galayay Gaba-gabadii Shirweynaha Xibsiga Dilmuquraadiga Soomaalida oo maalmo ka socday Magaalada Jigjiga ee xarunta Degaanka.

Daawo.

IDIL NEWS