Wasiir Beyle oo ka qeybgalay shir ka dhacay dalka Morocco (Sawirro)

MARRAKECH (IDIL NEWS)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ka qeyb-galay shirka sanadlaha ah ee Bankiga Horumarinta Islaamka uga socda magaaladda Marrakech ee dalka Morocco.

“Maanta waxay ahayd maalin wax ku ool ah oo howlo badani ay nooga qabsomeen shirka sanadlaha ah ee Bankiga Horumarinta Islaamiga Waxaan wadahadallo yeelanay Madaxweynaha, M/weyne ku-xigeenka Baanka Horumarinta Islaamka & wakiillo kale ee ka socday hay’adaha muhiimka ah sida Bankiga Horumarinta Afrika iyo maalgashadayaal daneynaya Soomaaliya”ayuu yiri Wasiir Bayle.

Mudame Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa wadahadallo la yeeshay  Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka Baanka Horumarinta Islaamka iyo wakiillo kale ee ka socday Bankiga Horumarinta Afrika iyo maalgashadayaal daneeya Soomaaliya.

“Horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha, dalkeena waxaa bogaadiyey oona tageero buuxda u muujiyey dhamaan hey’addaha caalamiga ah iyo bahwadaaagta Soomaaliya kala shaqeynta horumarinta, midaasna ayaana nagu dhiirigalineysa inaan sii wadno wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya, dowladda, shacabkeeda iyo hey’addaha iyo wakiiladda caalamka, si aynu hore ugu sii dhaqaaqno meesha aynu joogno” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda XFS.

Sawiiro.

IDIL NEWS