DEG DEG: Buuq Hareeyay kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Buuq iyo Sawaxan ayaa hareeyay Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ay hor-tagayaan Madaxda Hay’adaha ammaanka, kaddib markii Goddomiyaha Golaha Shacabka uu soo Jeediyay in saxaafadda banaanka loo saaro iyo in ay goobjoog ka noqdaan kullanka maadaama laga hadlayo arrima xasaasiga ah ee Amniga.

Xildhibaanadda ayaa ku kala qaybsamay in kullanka Golaha uu noqdo mid Albaabada u xiran yihiin, intaasi kadib waxaa lagaliyay cod gacan taag ah.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta waxa uuna sheegay in 104 Xildhibaan u Codeeyeen in kullanku yahay mid ay u xiranyihiin Albaabadd 20 Xildhibaana ka Aamuseen Halka ay u Codeeyeen kullan Furan 42 Xildhibaan 
Intaasi kadib jawiga ayaa isku badalay buuq iyo qaylo.

Daawo.

IDIL NEWS