Garoowe: Madaxweyne Deni oo maanta kusoo laabanaya Caasimadda Puntland

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu soo laabto Magaalada Garoowe.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu galabta dib ugu soo laabanayo Caasimadda, si uu kulan ula qaato Safiiro ka socda Midowga Yurub oo maalinimada birrito ah kusoo wajahan Magaalada Garoowe.

Safiirada ka socda Midowga Yurub ee fadhigoodu Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hoggaaminaya Safiirka Dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.

Wefdigan iyo Madaxweynaha Puntland ayaa ka wada-hadli doona arrimaha la xiriira dhinacyada amniga Siyaasadda iyo Taageerada Dowladda Jarmalka iyo guud ahaan Waddamada Yurub ay siiyaan Puntland iyo Mashaariicda Horumarineed ee ay ka fuliyaan gudaha Puntland.

Si gaar ah safiirka dowladda Jarmalka iyo Madaxweyne Deni ayaa uga wada-hadli doona mashruuc ballaaran oo dowladda Jarmalku ay fulinayso kaasi oo hab-casri ah loogu dhisayo isbtitaalka guud ee Magaalada Garoowe iyo sidoo kale Mashruuca Dhismaha Wadada Garoowe_Gaalkacyo oo istaagay kadib markii dowladda Jarmalku ay xukuumaddii hore Puntland ku eedaysay daah-furnaan la’aan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isla todobaadkan la filaya in uu safar ugu baxo dalalka Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha oo uu kala soo hadli doono Arrimaha la xiriira mashaariicda horumarineed ee dalalkaasi ka fuliyaan degaannada Puntland.

IDIL NEWS