Kulankii Golaha Shacabka oo kusoo dhamaaday Buuq (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo xiray kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka ka dib markii uu harreeyay buuq fara badan.

Buuqa ayaa ka dhashay ka dib markii Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu soo jeediyay in Saxaafadda Banaanka looga saaro kulanka, waxaana u codeeyay xildhibaano badan.

Kulanka maanta baaqday ayaa inta badan waxaa soo xaadiray Hay’addaha Ammaanka dowladda Soomaaliya si su’aallo looga weydiiyo Ammaanka dalka.

Kulankaan ayaa ah Mid si weyn isha loogu haayay Saacaddihii ugu dambeeyay Xaalad Amni daro oo daran ay ka jirto Muqdisho.

Daawo.

IDIL NEWS