Madaxweyne Deni “Dilkii Poul dhaawac baa kasoo gaaray Puntland” (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Madane Siciid C/llaahi Deni, ayaa sheegay in Puntland uu dhaawac kasoo gaaray Dilkii loo geystay Maareeyihii Dekedda Boosaaso ee Shirkadda DP World Poul.

Madaxweyne Deni ayaa Sheegay in Maalgashadayaal badan oo Caalamka ka socda ay dib uga hakadeen  Degaanada Puntland, uuna sabab u ahaa dilkii Poul ay u geysatay Argagixisadu.

Waxaa uu sheegay in Mashruucii Biyaha macaan lagu gelinayay Magaalada Boosaaso ee ay ku deeqday Dowladda Talyaaniga dib loo dhigay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Deni, ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland gaar ahaan Shacabka Boosaaso inay ilaashadaan Nabadooda, maadama aysan dhici Karin in la isku helo ammaan-darro iyo Maalgashi.

Daawo.

IDIL NEWS