Madaxweyne Deni “Shacabka Puntland dib looguma celiyo dhaqaalaha laga qaado” (Dawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer ku sameeyey xarunta Dowaladda Hoose ee degmada Boosaaso iyo xarunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Deni oo booqsho iyo u kuur galidda xaaladda gobolka Bari ku jooga magaalada Boosaaso ayaa kormeerkiisa ka bilaabay xarunta Dowladda Hoose ee Boosaaso, waxaana goobjoog ahaa duqa degmada Cabdisalaam Bashiir Cabdisalam, xildhibaanada Golaha Degaanka degmada iyo iyo hawl-wadeenada xarunta.

Madaxweynhaa ayaa xafiisayada xarunta D/Hoose mid mid u galay si uu u kor-jookteeyo shaqada bulshada loogu hayo isla’ markaana madaxweynha ayaa kulan la qaatay Duqa degmada iyo xildhibaanada Golaha Degaanka, isagoo ku bogaadiyey shaqada balaadhan ee ay u hayaan bulshada kuna dhiirigeliyey in ay mar waliba ka shaqeeyaan deegaanka si bulshadu ay u noqoto mid wanaagsan.

“Waxaan rabnaa inaan idinla shaqayno si dhow iyo si guud si bilicda maagaalada kor loogu-qaado, sidii mashaariicda horumarineed ee wax ku ool ka ah u imaan lahayd, sidoo kale waxaan u baahanahay in lasameeyo sharci lagu ilaaliyo nadaafadda iyo bilicda magaalada, waxaa loo baahan yahay in ay xaafad walba dareento kharashka laga qaaday in wax loogu qabtay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo kormerkiisa sii wata ayaa tegay xarunta gobolka Bari, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo iyo ku xigeenadiisa, waxaa ayna uga warbixiyeen shaqada iyo xaaladda gobolka, Madaxweynaha ayaa faray maamulka gobolka in la dar-dargeliyo amaanka guud ee gobolka Bari, gaar ahaan xarunta ganacsiga Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS