Muqdisho: Ciidanka Dowladda oo qabtay sarkaal katirsan Al-Shabaab

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Howlgal ay Ciidamada Amnigu fuliyeen shantii bishaan Apriil ayaa lagu soo qabtay xubin muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab islamarkaana qaabilsan ku xirista Walxaha Qarxa ee gaadiidka si uu waxyeelo u gaysto sidda ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Hawlgalku wuxuu ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana uu qaatay muddo saacado ah sidii loo qorsheeyay ayuuna udhacay, iyadoo aanu dhicin wax khasaare ah.

Ciidamada ayaa daba socday xogo sirdoon oo ay ka heleen ilo muhiim u ah taas oo suurta galisay qabashada shaqsiggaan.

Tallaabadaan ayaa imaanaysa xilli Ciidamada Amnigu ay Caasimadda iyo Gobolladaba ka wadaan howlgal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab.

IDIL NEWS