Muqdisho: Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo weli furmi la

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa hal saac ku daray waqtiga uu furmayo kulanka maanta, maadaama weli uusan buuxsamin kooramka.

54 Xildhibaan ayaa ku yimid waqtiga loogu tala galay ee ah 10:00 barqanimo, Iyadoona ay jiraan warar sheegaya in laga yaabo in uu baaqdo Kulanka.

Kulanka Baarlamaanka ayaa ah Mid xiiso badan oo maanta looga hadlaayo Ammaanka dalka, waxaana loo yeeray Hay’addaha qaabilsan dhanka Ammaanka.

Masuuliyiinta hor-tagaya Xildhibaanada ayaa kala ah Wasiiradda Amniga, Difaaca, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska , NISA iyo xoogga, si xildhibaanadu su’aalo uga weydiiyaan Xaalada ammaanka ee dalka gaar ahaan Muqdisho oo dhowaanahan ay Qaraxyo gilgileen.

IDIL NEWS