Xildhibaan Odawaa “Guddoonka wuxuu mashruuc ku soo qaatay in Baarlamaanka uu xiro”

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa ku eedeeyay Guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya inay soo qaateen mashruuc ay ku doonayaan inay ku xiraan Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu u soo jeediyay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan inuu ixtiraamo sharciga, isagoo intaa ku daray in aanay aqbali doonin in Golaha Shacabka sidii la doono laga yeesho.

“Guddoonka baarlamaanka mashruuca ayuu soo qaatay ee ah inuu baarlamaanka af xiro, mana aqbaleyno, Guddoomiyaha waxaan ka codsaneynaa inuu sharciga aqbalo, ixtiraamo, Dhageysto, Gudoomiyaha ma ahan Guddoomiye Kooxeed, waa Gudoomiyihii Golaha Shacabka” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay tallaabada lagu doonayay in Warbaahinta banaanka looga saaro kulanka, wuxuuna tilmaamay in Saxaafada ay waajib ka saaran tahay in shaqada ay heyso Xukuumadda soo bandhigto, maadaama Caasimada ay ka jiraan dhibaatooyin amni.

“Magaaladaan Muqdisho dhibaatada ka jirta waad ka war-heysaan, madaxdiii qaar ee la wacay lama hayo sida Taliyaha Nabadsugida Kusimaha ka ah, Saxaafaduna xaq bey u leedahay iney maqasho waxa meesha ka dhacayo” ayuu hadalkiisa intaasi ku sii daray.

Daawo.

IDIL NEWS