IGAD oo dhistay Guddi howleed ka howlgalaya Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Urur-goboleedka Horumarinta Geeska Africa ee IGAD, ayaa soo saaray guddi-howleed ku saabsan Badda Cas iyo Gacanka Cadan.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeedka kasoo baxay IGAD, guddi-howleedka ayaa waxaa sameeyay Guddiga Ammaanka IGAD ee fadhigoodu yahay Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya.

Dhisidda Guddi-howleedka ayaa la sheegay in uu waafaqsan yahay go’aanka 46-aad ee Golaha Shacabka IGAD, ee lagu qabtay Jabuuti 27-kii February 2019.

Guddi-howleedka ayaa la filayaa in ay wax ka bartaan, dib-u-eegaan, ayna sameeyaan gebagabadii iyo talooyin ku saabsan Badda Cas iyo Gacanka Cadan, Iyadoona Guddigu uu isku-duubi doono dadaalladA ku aaddan Guddiga Midowga Afrika iyada oo la raacayo go’aanka Golaha.

Sidoo kale, IGAD ayaa dhisi doonta boos caadi ah iyo istaraatijiyad si looga jawaabo caqabadaha iyo ka faa’iidaysiga fursadaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

IDIL NEWS