Madaxweyne Deni: Aniga iyo Safiirada EU waxaan dhameynaynaa Mad-madowgii hore

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa ka hadlay Ujeedada Socdaalka Safiirada Dalalka Yurub ee maanta imaanaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa Sheegay in Safiirada ka socda Wadamada Midowga Yurub oo ay kamid yihiin Danjirayaasha Wadamada Jarmalka, Ingariiska, Talyaaaniga iyo kuwo kale, uu la kulmi doono maanta ayna yeelan doonaan Wada-hadal.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo Safiirada Yurub ay ka wada-hadli doonaan sidii loo dhameyn lahaa Mad-madowyo horey u jiray oo la xariiray Musuq-maasuq lagu sameeyo Mashaariicda ay ugu deeqaan Degaanada Puntland iyo la dhisi kalsoonada u dhexeysa Dowladda Puntland iyo Wadamada Midowga Yurub.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa Sheegay in Safiirada Midowga Yurub ay u soo badhigayaan Qorshe Cad oo Daah-furan, si meesha uu uga baxo Mad-madowgii laga dhaxlay nidaamyadii hore.

Hadalkan ayuu Madaxweyne Deni ka sheegay Kulan uu la yeeshay shalay Bulshada ku dhaqan Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, kuwaas oo su’aalo weydiiyay Madaxweynaha.

Daawo.

IDIL NEWS