Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Puntland Iyo Safiirada Wadamada EU-da ? (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo saaka subaxnimadii hore safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Boosaaso, soona Gebagebeeyey safarkiisii taariikhiga ahaa ee Gobolada Karkaar iyo Bari ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti balaadhan oo ay hogaaminaysey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo Dimuquraadiyaynta Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn Puntland kusoo dhoweeyey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther iyo weftiga balaadhan ee ay hogaaminaysey, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in safarka safiiraddu yahay socdaalkeedii ugu horeeyey ee ay ku tagto meel ka baxsan Muqdisho.

“Waxaa maanta sharaf weyn noo ahayd in safiiradda dalka Jarmalka, ku-xigeenkeeda iyo waftiga balaadhan oo wehelinayey yimaadaan Garoowe, waxaan aad ugu faraxsanahay Safiirada oo markii ugu horeysey meel ka baxsan Muqdisho safar ay ku timaado noqotay Garoowe, waxay muujinaysaa in xiriir ka Soomaaliya iyo Jarmalka, gaar ahaan Puntland uu sii xoogaysanayo,”

“Waxaan uga mahadcelinaynaa waxyaabihii hore ee ay soo qabteen dalka Jarmalka oo Soomaaliya taariikh weyn ku leh, mudooyinkii ay Soomaaliya xuriyadda qaadatay ilaa hada dhinacyo badan ay iska soo garab istaageen hadana ay rabaan in ay waxbadan qabtaan” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambeyn, Ambassador Annett Günther ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay imaanshiyaha Puntland waxayna xustay in mashaariicaha horumarineed ee Dowladda Germany ay ka fuliso Puntland ay sii socon donaan iyada xustay in wafdiga ay hogaaminayso ay qayb ka yihiin madaxda Hay’adda GIZ ee gacanta ku haysa wadada Garoowe iyo Gaalkacyo oo la filayo in waxkhti kooban gudihii uu dib u bilaaban doono dhismaha wadadaas.

Daawo.

IDIL NEWS