Garoowe: Shirka 5-aad ee Golayaasha sharci-dejinta Soomaaliya oo maanta Furmaya

GAROOWE (IDIL NEWS)-Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in Magalaada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, uu ka furmo Shirka Shanaad ee Golayaasha sharci-dejinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad iyo Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada Jubbaland , Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, ayaa shalay soo gaaray Magaalada Garoowe, waxaana shirkaas laga reebay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, sida ay sheegayaan Wararku.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ayaa waxaa uu socon doonaa mudo saddex Cisho ah, in kastoo aan la soo bandhigin ajendaha shirkaas ayaa hadana waxaa la filayaa inay ka hadlaan wadashaqeynta iyo sidii loo xoojin lahaa goleyaasha Shari-dejinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada.

IDIL NEWS