Madaxweyne Trump oo lumiyay xubintii ugu muhiimsanayd Golihiisa Wasiirada

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Waxaa ku dhawaaqday inay is casishay Xoghayihii amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen,waxaana taasi u muuqataa in Madaxweyne Donald Trump oo lumiyay xubintii ugu muhiimsanayd golihiisa Wasiirada.

Kirstjen Nielsen oo mas’uul ka ahayd qorshaha muranka badan dhaliyay ee gidaarka,waxaana ay mas’uul ka ahayd hirgalinta qorshaha gidaarka iyo kan ka hortagista dadka soogalootiga ah, gaar ahaan in la kala sooco carruurta iyo waalidkooda muhaajiriinta ah.

Madaxweyne Donald Trump  ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in booskii ay baneysay Xoghayihii amniga gudaha Maraykanka Kirstjen Nielsen lagu bedeli doono agaasimaha Laanta Canshuuraha iyo Illaalinta xudduudaha Kevin McAleenan.

Kirstjen Nielsen ma sheegin sababta ay xilka isaga casishay,hayeeshee waxa ay sheegtay in ay xilkaasi baneysay waqtigii ugu habooneyd.

IDIL NEWS