Shaqaale katirsan Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo loo xiray Musuq-maasuq (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Xasan shire Cabdi (Abgaal), ayaa sheegay iney shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda loo xiray falal Musuq-maasuq iyo lunsasho lacageed.

Wasiir Abgaal ayaa Sheegay in Shaqaalaha la xiray ay isugu jiraan kuwo lagu helay inay lunsadeen Lacag iyo kuwo lagu qabtay iyagoo jaraya Rasiidyo lacagee oo been abuur ah, ayna ku hayaan Xabsiyada.

Waxaa uu xusay in Shaqaalahan lagu helay Musuq-maasuqa la hor keeni doono Maxkamadaha Dowladda Puntland, si loo marsiiyo waxa ay ka mutaan Sharciga. Wasiir Abgaal ayaana cadeyn tirade iyo Goobaha ay ka howlgalayeen Shaqaalahan la xiray.

Waa markii ugu horeysay ee Shaqaale katirsan Wasaaradaha Dowladda Puntland la sheegay in loo xiray falal Musuq-maasuq oo ay sameeyeen, waxaana ay tani kusoo aadeysa xilli Xukuumadda cusub ee uu Hoggaamiye Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni ay dadaal ugu jirto in wax laga qabto Musuq-maasuqa ka jira Puntland, kaas oo sababay inay lunto kalsoonidii Deeq bixiyayaasha.

Daawo.

IDIL NEWS