Shirka Af-hayeenada Sharci dejiyaasha Soomaaliya oo ka furmay Garoowe (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shirka Af-hayeenada Sharci dejiyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ayaa maanta ka furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, Iyadoona looga hadlayo iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalle Cawad ayaa shirka furay, waxaana uu ka hadlay muhiimadda ay leedahay wadajirka, iskaashiga iyo dhameystirka Dastuurka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, iyadoo shirkan laga reebay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, sababo u muuqata khilaafka maamulkaas iyo Labada Guddoomiye Baarlamaan ee kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa shirkan ayaa ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka Galmudug iyo kan u dhaxeeya Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Daawo.

IDIL NEWS