Abdelkader Bensalah oo loo magacaabay Madaxweynaha KG ah ee Algeria

ALGIERS (IDIL NEWS)-Baarlamaanka Algeria ayaa magacaabay Afhayeenkii Aqalka Sare Abdelkader Bensalah inuu noqdo Madaxweynaha Kumeel gaarka ee dalkaas mudada kala guurka ah ee dalkaas inta Madaxweyne cusub laga dooranayo.

Abdelkader Bensalah ayaa hoggaamin doona dalka muddo 90 cisho ah, sida dastuurka qabo, iyadoo Baarlamaanka dalkaas u codeeyay.

Madaxweynihii hore ee Algeria Abdelaziz Bouteflika oo dalka xukumayay 20 sano ayaa todobaadkii hore iska casilay xilka, kaddib dibad baxyo ballaaran oo looga soo horjeeday dowladda, kaasoo ugu dambeyn isku casilay.

Madaxweynaha KMG Abdelkader ayaa sheegay inuu ku shaqeynayo danaha dadka iyo waxa ay doonayaan, isagoo xusay inay mas’uuliyad weyn ay tahay in Dastuurka uu u ogolyahay inuu dalka hoggaamiyo xilliga kala guurka ah

Hase ahaatee waxaa weli socda banaan baxa looga soo horjeedo dowladda Algeria, waxaana dadka dalbanayaan in dhammaaan inta nidaamka ku jirta ama ku dhow Madaxweynihii hore ee Algeria inay xilka isaga dagaan.

IDIL NEWS