Cali Gacal “Puntland baa iga reebtay Shirka Guddoonka Baarlamaanada ee Garoowe” (Daawo)

CADAADO (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ee fadhigiisu yahay Cadaado Cali Gacal Casir, ayaa ka hadlay shirka ay leeyihiin Guddoonka Baarlamaanka Federaalka iyo Dowlad goboleedyada, kaasoo maalintii labaad ka socda Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Madaxda Dowladda Puntland ay ka reebeen inuu ka qeybgalo shirka, isagoo metalaya Maamulkiisa, wuxuuna tilmaamay in Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya uu u soo diray casuumaada Shirka ka socda Magaalada Garoowe.

“Waxaan aaminayaa in arintan tahay khilaaf cusub oo hay’adaha sharci dejinta laga dhex abuuray, waxaan kaloo sheegayaa inaan aqoonsaneyn wax kasta oo shirkaas ka soo baxo, maadaama aan ka qeybgalin shirka, guddoonkii baarlamaanada oo kala maqan in go’aan la gaaro wax shaqeynayo maaha” ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Mr. Cali Gacal ayaa ka dalbaday Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya inay talaabo cad ka qaadaan Madaxda Puntland oo ay soo caddeeyaan sabab lagu qanci karo oo Galmudug looga reebay shirka, maadaama Guddoonkooda dhawaan ay Muqdisho uga soo qeyb galeen furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka.

Daawo.

IDIL NEWS