Fahad Yaasiin oo loo diiday Visa-ha Maraykanka

Safaarada Maraykanka ee Nayrobi,ayaa udiiday Visa-ha Dal kugalka Agaasime xigeenka Nabadsugida Dowlada Fadaraalka Somaliya Fahad Yaasiin.


Warar ay si hoose ku helayso Warbaahinta Idil News,ayaa tibaaxaya in Fahad oo qayb ka ahaa waftigii RW Khayre ee ka qaybgalayay shirka Washintong,ay Safaaradu si gaar ah kaligii ugu diiday Visa–ha.


Diidamada dalkugalka ee Dowlada maraykanka,ayay Dadka sida dhow ula socdaa xaalka Somaliya waxay ku sheegeen in ay ka danbaysay,xog ogaalnimada Dowlada Maraykanka ee arimaha Somaliya,gaar ahaan Madaxtooyada.


Dowlada Maraykanku waxay xog ogaal ka tahay siyaasada Somaliya ,iyadoo taa ka duulaysana waxay Fahad u aragtaa shaqsi u shaqeeya Dowlad kale oo aan Somaliya ahayn,waana midaas mida keentay in diidmo la siiyo ,sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo .


Isku soo wada duuboo arinkan,ayaa ku ah Fahad oo lagu xanto in uu yahay Mulkiilaha Madaxweynaha Dowlada Fadaraalka dharbaaxo wajiga looga dhuftay.