Madaxweyne Farmaajo iyo Lafta-gareen oo ka wada-hadlay sii deynta Roobow (Sawirro)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmajo ayaa Maanta Xafiiskiisa waxa uu ku qaabilsay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Madaxweyne Laftagareen iyo Xubno la socda ayaa Maalin ka hor waxa ay soo gaareen Magalada Muqdisho,waxaana kulanka oo ahaa Qado Sharaf ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah.

In kastoo kulankaas Madaxtooyada Soomaaliya weli faah faahin guud ka bixin ayaa hadana wararka la helay waxa ay sheegayaan inay uga wada hadleen sidii loo adkeyn lahaa wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed iyo sidii loo sii deyn lahaa Sheekh Mukhtaar Roobow.

Sawirro.

IDIL NEWS