Muqdisho: Wararkii ugu dambeeyay ee Howlgallo ka socda Caasimadda (Sawirro)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa xalay ay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banaadir, howlgalkaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey sida ay horay u sheegeen laamaha Amniga Soomaaliya.

Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen Xaafada suuqa Xoolaha qeybta degmada Yaaqshiid, iyaga oo Guryaha qaar baaritaano ku sameynayay, sida lagu arkayay Sawirro la soo dhigay Baraha Bulshada.

Howlgalka inta u socday ayaa waxaa dhalinyarada farabadan laga qabqabtay Xaafadaha iyo wadooyinka qaar ee Xaafada Suuqa xoolaha,kuwaas oo baaritaano kadib badankood la siidaayey.

Howlgalka xalay laga sameeyey xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolkan Banadir ayaa daba socda howlgallo isxig-xiga oo habeenadii la soo dhaafay laga sameeynayey Xaafado ka tirsan Magalada Muqdisho iyo duleedkeeda.

Sawirro.

IDIL NEWS