Tripoli: Tahriibayaal Soomaaliyeed oo ku geeryooday Xabsiyadda Libya (Daawo)

TRIPOLI (IDIL NEWS)-Illaa20 kamid ah Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Tripoli ee Dalka Liibaya, ayaa ku geeryooday xabsiyada Dalka Liibiya, kaddib markii ay soo wajaheen Xanuuno, sida uu sheegay mid kamid ah Tahriibayaasha.

Mid kamid ah Tahriibayaasha ayaa sheegay in iyaga oo ah Maxaabiis Soomaaliyeed oo gaaraya 800, ay ku jiraan Xabsiyadda Dalka Liibiya haatana ay lasoo gudboonaatay xaalad adag oo ay ugu horeeyaan Xanuuno galaaftay Nolasha 20 Soomaali ah.

Waxaa uu xusay in aysan jirin illaa had acid lasoo xiriirtay oo wax u qabanaysa, marka laga soot ago Soomaali kale oo dagaalo ay ka socdaan Dushooda, kuwaas oo u sheegay inay dhexda uga jiraan dagaalka Ciidanka Dowladda Liibiya iyo Ciidamada Hoggaamiyaha Mucaaradka ah ee Gen. Khalifa Haftar.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku jirta Xabsiyada ayaa sheegaya in muddo sanad iyo bar ah aysan Iftiinka arkin,waxaana ay sidoo kale dhaliil u jeediyeen Hay’adda UNHCR oo ay ku dhaliileen in kaliya dadka u dhashay Eritrea ay ka saaraan Xabsiyada.

IDIL NEWS