Wakiilka KGS ee Puntland oo gaaray Magaalada Qardho (Daawo)

QARDHO (IDIL NEWS)-Wakiilka Koonfur Galbeed u qaabilsan Puntland ayaa kulan la qaatay Maamulka Degmada Qardho iyo Dadka kasoo jeeda Degaanka Koonfur Galbeed, waxaana soo qaban qaabiyey kulan duubabka dhaqanka, waxgaradka iyo ganacsatada Koonfur Galbeed Ee Magaalada Qardho

Duqa Degmada Qardho ee xarunta Gobalka Karkaar Cabdi Siciid Cismaan Dheere, ayaa sheegay Dadka kasoo jeeda Degaanada Koonfur Galbeed ay yihiin Dad dhaqan wanaagsan, una diyaarsan inay shaqeystaan.

Cumar Cabdiladiif Sheekh Yuusuf, Wakiilka Koonfur Galbeed ee Puntland, ayaa uga mahadceliyay Bulshada Puntland iyo Dowladaba soo dhaweynta ay u muujiyeen Bulshada kasoo jeeda Degaanada Koonfur Galbeed, isagoona sheegay in loo baahan yahay in Dadka Reer Koonfur Galbeed ay dhexgalaan Bulshada Puntland.

Daawo.

IDIL NEWS